Axmed Madoobe oo qarax lala beegsaday

Image caption Axmed Madoobe waxa uu dhawaan heshiis la galay dowladda federalka ee Soomaaliya

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu saarnaa hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubbooyinka Axmed Maxamed Islaan (axmed Madoobe).

Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur, weli ma kala cadda cidda wax ku noqotay, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa lix qof ay ku dhinteen.

Waxaa wararku ay sheegayaan in rasaas laga maqlayo magaalada gudaheeda.

Isgaarsiinta magaalada ayaa go'an hadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarka.

Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay Kismaayo kadib markii uu ka laabtay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay, halkaasi oo uu kula kulmay xubno ka tirsan dowladda federalka.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan waxa uu heshiis magaalada Addis Ababa kula galay dowladda federalka ee Soomaaliya oo muddo khilaaf u dhaxeeyay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku sugan ciidamada Kenya oo ka saaray al-Shabaab halkaasi iyo xoogag u daacad ah Axmed Madoobe.