Danjire Kay oo ka hadlay Soomaaliya

Nicolas Kay
Image caption Nicolas Kay, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya

Magaaladda Brussels ayaa waxaa ka furmaya Berri shirkii ugu danbeeyay ee Somaali loo qabto oo lagu ansixin doono heshiiska cusub ee Somaaliya oo ay soo gudbisay dowladda Somaaliya beesha caalamkuna kutaageereyso meel marintiisa iyo maal galintiisa. Waxaa shirka ka qeyb galaya dhamaan qeybaha daneeya Somaaliya oo ay ka mid yihiin Ururka Midowga Yurub, Qaramada midowbay iyo dalal badan uu ugu horeeyo dalkan Britain.

Haddaba daartan warbaahinta waxaa nogu soo booqday isaga oo kulankaa u socda, Wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee arrimaha Somaliya ambasador Nicholas Kay, Maxamed Cadde ayaa weydiiyay in uu sharaxo kulanka muhiimadda uu leeyahay.

Heshiiska cusub ee Somaaliya, waxaa weeye dhaamaan waxyaabaha mudnaanta kowaad u ah dalka oo ay dowladda Somaaliya diyaarisay iyada wadatashi ballaaran la yeelatay dhammaan dhinacayda kala duwan ee arrimaha Somaaliya daneeya. Waxaana muhiimadu ay tahay in ay Somaalida ku leedahay, hogaamineysana muhiimada oo ay ku jiraan wax walba dhab ahaantii Laga soo bilaabo siyaasad loo dhan yahay ilaa iyo xataa sida canshuurta loo qaadayo, iyo siyaabaha adeegada dadweynaha loo fulinayo. Waxaana intaa la qaabeysan maalgalintii iyo isku dubaridkii howlaha.

Suaal : Maxuu noqon doonaa doorka UNku ay howshan ku leedahay?

Dhab ahaatii Qaramadda Midoobay waa barta uga aasaasan beesha caalamka magaaladda Muqdisho. Waxaana Somaaliya u joognaa si aysan Qaramadda Midoobey horay ugu joogi jirin dalka ilaa iyo hal jiil. Waxaan joognaa Garowe, Beledweyne, Baydhabo, Kismaayo, sidaas daraadeed beesha caalamku waxay noo isticmaali kartaa bar aasaasan oo loo adeegsan karo isku dubbaridka iyo bar kulmisa wada hawl galka xataa waxaa ku jirta dowladda federaalka ah.

Sida aad la socotaan qaraarka Qaramada Midoobay ee 2102 ayaa waxaa uu Qaramada Midoobay siinayaa qanaanuuniyadda lagu taageerayo dowaldda federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada isku dubbaridka taageerada deebixiyeyaasha ay Soomaaliya siiyaan, waxaana aan door muhiim ah ka ciyaareynaa sida aan rajenayo isku dubbaridka iyo taageerada dowladda federaalka.

Suaal: 22kii sano ee la soo dhaafay in beesha caalamku siyaabo kala duwan ay arrimaha Soomaaliya ugu jirtay, maxay tahay waxa u gaarka ah ee kulankani kaga duwan yahay kulammadii hore ee aad dhegeystayaasha u sheegi karto?

Mid ka mid ah labada waxyaabood ee ugu muhiimka ah kulankan heshiiska cusub ee Soomaaliya waxaa uu yahay, in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin kulankan ayna iyagu hoggaaminayaan, waxayna si weyn uga duwan tahay waxyaabihii hore loogu hawl geli jiray intii lagu guda jiray dowladihii kumeelgaarka oo sharciyaddooda su'aalo la iska weydin jiray laguna murmi jiray, waxayna ahaayeen oo keliya kumeelgaar.

Markan Soomaaliya waxay haysataa dowlad federaal ah oo qaanuun ku dhisan, la isku halleyn karo, aad loo aqoonsan yahay caalamka oo dhan, iyagaana la yimid qodobbadan mudnaanta la siinayo oo ay doonayaan in beesha caalamku ku taageerto, taasi waa midda hore.

Tan 2aad waxay tahay, qodobbadani waa qorsheyaal iyo mudnaanta koowaad oo si weyn caalamku u taageersan yahay beesha caalamkuna waa ay taageeraysaa qodobbadan waxaana ay ku taakuleynayaan qaab cusub oo maalgelin iyo habab hor leh iyo dhaqaale looga gungaaro ujeeddooyinkan. Sidaa daraadeed waxay ila tahay inuu wax badan uga duwan yahay kulammadii hore u dhici jiray waxaana uu u taagan yahay waxa hadda Soomaaliya ka dhacaya waana fursad rajo oo dhab ah oo boggii hore lagu rogay, qabqablayaashii dagaalka, dagaalkii qabyaaladda ku saleysnaa iyo burburkii hadda waxaa la joogaa xilligii dhisidda.

Waxaa la dhisayaa xukuumad, waxaa la dhsiyaa hay'ado, waxaa la dhisayaa awood kordhin, beesha caalamkuna si buuxda ayay ugu taageeraysaa dowladda fedewraalka inay qorshahan fuliso.

Suaal: waxay u muuqataa in beesha caalamku ay dadaalkeeda mideysay qorshahan Soomaaliya lagu taageerayana waxaa ku baxeysa saddexda sano ee soo socota in ka badan shan bilyan oo dollar, ma u maleynaysaa xukuumadda Soomaaliya ee wada shaqeyntu idinka dhexeyso inay leedahay qaab lagu xaqiiqsanayo in aan lacagan la isdabamarin?

Waxay ila tahay su'aashaasi waa mid wanaagsan, tirooyinku sidoodaba waa cajiib shan bilyan waxaa laga yaabaa inay tahay hammi laakiin dhab ahaantii waxaan la yaabay waxaa weeye sida kharashku u yar yahay adeegyada muhiimka ah ee Soomaaliya tusaale ahaan. Qorshaha loogu tala galay dhaqaale soo kabashada oo dowladdu dhowaan diyaarisay, iyadoo gacan uu ka siiyay bangiga adduunku dib u dhiska gobollada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, kharashka ku baxaya kaabayaasha muhiimka, run ahaantii lacagtaasi wax badan oo weyn ma ahan, qiimeynta lagu sameeyay qorshaha ammaanka ee ciidammada qaranka Soomaaliyeed in la qalabeeyo, mushaarkooda, waa 275 milyan oo dollar.

Lacagaasi aad bay u yar yihiin qayb ka mid ah farriinteeduna waxay tahay markii aan joogay xarunta Qaramada Midoobay maalmihii la soo dhaafay markii aan u xogwarramayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay maalgelin badan, kharash badan, marka la barbar dhigo waddammada kale ee colaaduhu saameeyeen Ciraaq, Afqanistaan, Mali waxaad arkaeysaa inaan Soomaaliya wax badan gelin.

Farriinteydu waxay tahay gaar ahaan inaan dhisno ciidammada ammaanka ee Soomaaliya, taana aan si dhaqso ah u maalgelinno, waxaad sidoo kale soo qaadday arrinta la xiriirta musuqmaasuqa. Sidaad hadalka u dhigtay lacagta la isdabamarinayo waa welwel weyn oo qof walba uu qabo sannadihii la soo dhaafay sida dalalka kale ee colaaduhu ka dhceen, dowlado nugul ama fashilmay dalalkaasi kamaba jiraan maareynta in si wanaagsan loo maamulo hantida dadweynaha.

Arrintaasi way isbeddelaysaa horumar ayayna sameynaysaa waxyaabaha aan ku tilmaami karo waxaa ka mid ah, mashruuc ay dhowaan Norway ka bilawday Soomaaliya oo ay ku baxday lacag 30 milyan oo dollar ah si ay dowladda federaalku ugu isticmaasho shaqaalaha iyo wixii la mid ah, iyadoo la isticmaalayo bangiga dhexe lana adeegsanayo teknoolojiyo casri ah oo wax walba si wanaagsan loola socon karo si loo xaqiijiyo maareynta hantida dadweynaha. Waxaana aan rajeynayaa in mashruucaasi uu shaqeeyo, kaas oo tusaale u noqon kara in beesha caalamku Soomaaliya lacago keeni karaan miiska iyagoo aad ugu kalsoon.