Furitaanka shirka dib u dhiska Soomaaliya

Somalia conference
Image caption Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha EU

Shir caalami ah oo ujeedadiisu tahay dib u dhiska Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Boqollaal milyan oo dollar oo gargaar ah ayaa la filayaa in lagaga dhawaaqo shirka oo ay marti gelinayaan Midowga Yurub, ayna ka qayb gelayaan wuduud dowladeed, ururro gargaar iyo hay'ado maaliyadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shekh Maxamuud, waxaa uu soo dhoweeyay heshiiska cusub ee dhexmaraya Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Hase ahaatee kooxda mintidiinta Islaamiga ah ee al-Shabaab ayaa gaashaanka ku dhufatay shirka oo ay ku tilmaantay waqti lumis.