Iska horimaad kale oo ka dhacay saaka dalka Masar

  • 19 Sebtembar 2013
egypt clashes
Image caption Iskudhacyada Masar ee Kardaasah

Ciidamada dalka masar ayaa saaka ku waabariistey magaalada Kardaasah oo u dhaw Qaahira, halkaasi oo ku qaadeen weerar xooggan oo ay sheegeen inay ku raadcaysanayeen kooxo xagjir ah.

Ciidamadaasi saaka waxa taageerayey diyaarado nooca helicopter-rada ah iyo baabuurta gaashaaman ee milateriga oo loo adeegsadey weerarkaasi Kardaasah. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee MENA, weerarradani saaka waxa lala beegsanyey kooxo lagu tilmaamay 'denbiilayaal xagjir ah oo sal u ah argagixisada'.

Waxa kale oo ay sheegtay warbaahinta Masar in kooxahaasi xagjirka ah loo haysto oo lagu eedeeyey inay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa bileyska dalka Masar oo magaciisa la odhan jirey General Nabiil Faraj.Waxa kale oo degaannadaas Kardaasah hore loogu diley, ilaa 11 askari oo ka tirsanaa ciidamada bileyska, mar la weerararay saldhigga booliska ee magaalada Kardaasah, dhawr toddobaad ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Maxamad Mursi.

Weerarkani saaka ayaa la sheegay in ciidamadu ay baadhayeen guryaha magaalada Kardaasah, aanay baadigoobayeen xubnaha ka tirsan ururka Ikhwaan al-Muslimiin ee Maxamad Mursi.