Merkel oo dabaaldagaysa doorasho kadib

  • 22 Sebtembar 2013
Image caption Angela Merkel Raiisalwasaaraha Jarmalka ayaa markii saddexaad ku guulaysanaysa doorashada Jarmalka.

Ra'iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa jeedisay qudbad inay guulaysatay, kadib markii fikradahii ugu danbeeyay ee doorashada ay sheegayaan in xisbigeeda uu ku guulaystay ugu yaraan 42.5 boqolkiiba doorashada guud.

Laakiin lama hubo xisbiga ay isbahaysiga yihiin ee Free Dimoqratic Party, inuu heli doono shan boqolkiiba tirada laga rabo inuu baarlamaanka ku jiro.

Xisbiga Social Democrat ee mucaaradka, ayaa helay oo kaliya codadka boqolkiiba shan iyo toban.

Markay qudbada jeedinaysay, ayay u mahadcelisay cod bixiyayaasha, waxayna sheegtay inay wali waqti hore tahay in laga hadlo xisbigay isbahaysan lahaayeen dhisida dowladda.