Israel oo yaraysay xayiraada Qasa

Qalabka dhismaha oo ka soo galaya xuduuda Rafax ee
Image caption Qalabka dhismaha oo ka soo galaya xuduuda Rafax ee Masar.

Israel ayaa ka yaraysay xayiraadii dhinaca dhaqaalaha ee ay ku haysay Qasa, iyadoo u ogolaatay in alaabo dheeraad ah oo dhismo la soo galin karo.

Masuuliyiinta falastiiniyiinta, ayaa sheegay toddobaatan gaari dheeeraad ah maalin walba inay wali ku yar tahay qalabka dhismaha oo looga baahan yahay Qasa.

Qasa oo ay maamulaan Ururka Xamaas ayaa waxaa ku yar shamiitada, biraha, iyo dhagaxda yar yar ee dhismaha, sababtoo ah Israel ayaa ka cabsi qabta in loo isticmaalo dhisida saldhigyo difaac ama milatari.

Xaalada ayaa sii xumaatay tan iyo bishii July, markii ciidamada Masar ay burburiyeen godadkii dhulka hoostooda ku yaalay xuduuda Rafax, ee alaabada looga soo galin jiray Qasa.