Kenya: khubaro caalmi ah oo wax baadhaysa

kenya forensic
Image caption Khubaro ajnebi ah

Khubaro ajanebi ah oo caalami ah ayaa ka caawinaysa dalka Kenya baadhitaanka raadadkii iyo meydadkii weerarkii Westgate, si loo helo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dableydii weerarka soo qaadday, iyo in la aqoonsado meydadka weli yaal.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in khubaradaasi ay baadhiyaan gudaha dhismaha Wesgate iyo wixii hadhaa ah ee raq ah iyo DNA ee halkaasi ku sii hadhay. Wasiirkaasi Joseph Ole Lenku waxa uu intaasi ku daray in khubarada caalamiga ah ay ka mid yihiin Maraykan, Canada, Israel, iyo Ingriis.

Dhinaca kale, guud ahaan dalka Kenya waxa ka socota 3 cisho oo baroordiiq ah oo loo samaynayo dadkii dhimashada iyo waxyeelladu ka soo gaadhay weerarkii rugta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi ay ku qaadeen islaamiyiinta xagjirka ahi, shilkaasi oo taagnaa muddo afar cisho ah.

Khudbad uu xalay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ka jeediyey telifishannada dalkaasi, waxa uu ku sheegay in ilaa 67 qof oo ku dhintay hawlgalladii weerarkaasi, ay ku jiraan lix ka tirsanaa ciidamada nabadgelyada. Waxa kale oo uu sheegay ilaa shan ka mid ah dableydii soo weerartay xarunta Westgate in la diley, 11 kalena la qabtay. Waxanu xalay ku dhawaaqay madaxweynuhu in la soo gabagabeeyey hawlgalladii ku saabsanaa qabashada iyo badbaadinta xaruntii Westgate, lagana sifeeyey dableydii xagjirka ahayd ee soo weerartay ee qabsatay rugtaas.

Ilaa iyo hadda waxa lagu jiraa hawlihii sifaynta xarunta, halkaasi oo laga soo faqayo meydadkii ku hadhay. waxa la filayaa inay kor u sii kacdo tirada daka meydadka ah ee la helo, iyo kuwa u dhintay dhaawacii soo gaadhay. Welina waxa la rumaysan yahay in halkaasi ay ku sii xanniban yihiin meydad kale oo ku aasan, ayna ka mid yihiin xubno ka tirsanaa dabelydoo weerarka soo qaadday ee la laayey.Waxa dagaalladii halkaas ka socdey ku dumey saddexdii dabaq ee ugu korreeyey dhismahaasi xarunta, lana fili karo inay weli jiraan dad ku sii hoos aasan.

Khariidadda rugtii ganacsiga ee Westgate ee Nairobi

Image caption Khariidadda Rugta Westgate