Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

"Geesigii Wesgate"

  • 28 Sebtembar 2013
Image caption Cabduqaadir Yusuf Xaaji oo u waramaya wariyaha bbc ee Cabdirisaq xaaji catoosh.

Kenya waxaa ka socda baaritaan dhowr nooc ah oo la xiriira weerarkii Al Shabab ay ku qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee Nairob.i Sida Laanqeyrta Cas ay sheegtay waxaa wali la la'yahay 70 qof oo loo malaynayo in qaarkood iyagoo mayd ah ay ku hoos jiraan burburkii dhismaha.

Baaritaan kale waxaa wada, boliiska caalamiga ah ee Interpol oo u jaray warqad lagu soo xiro gabar u dhalatay wadanka Britain ,oo looga shakisan yahay inay weerarkii sabtidii ku lug lahayd.

Dhinaca kale, Saxaafada, baraha Internet-ka, iyo boggaga ay bulshadu ku wada xiriirto ee sida facebook, waxay wali ka hadlayaan nin Soomali ah oo door fiican ka qaatay gurmadkii lagu badbaadiyey dadka ku jiray dhismaha Westgate ee ay dablaydu qabsatay sabtidii.

Waxa sawirada ka muuqday nin oo bastoolad sita, dhismahana ka saaraya caruur iyo Dumar naxsan oo ku jah-wareeray weerarkii.

Cabdiqaadir Mohamed Yusuf Haaji, waxaa dhalay wasiirkii hore ee Gaashandhiga ee Kenya Yusuf Haji. Kama tirsaneyn ciidamada, balse sida uu sheegay waxa uu goobta u tagay in uu soo badbaadiyo walaalkii oo ka mid ahaa dadkii ku xayirmay dhismaha.

Waxa uu u warramay Abdirizaq Xaaji Catoosh oo soo koobaya waraysigaas oo uu ku bixiyey luuqada Ingiriika.