Go'aanka Qaramada Midoobay ee Suuriya

Image caption Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimoon, ayaa soo dhaweeyay Qaraarka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee baabi'inta hubka kiimikada Suuriya, isagoo sheegay inay tahay rajada ugu horaysa ee Suuriya waqti dheer.

Qaraarka ayaa bixinaya sharci ay hub baarayaasha caalamiga ay ku galaan Suuriya.

Xoghaya Arrimaha Dibadda John Kerry, ayaa ka digay in dowladda Suuriya hadii aysan fulin go'aanka Qaramada Midoobay in talaabo laga qaadi doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in hadii suuriya talaabo laga qaadayo in laga codsado qaraar labaad Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mr Ban ayaa sidoo kale ku dhawaaqay November gudaheeda in la qaban doono shirka Suuriya ee nabada.