Kenya oo diiday in loo digay

Ciidamada Ammaanka
Image caption Ciidamada Kenya oo ka howlgalaya weerarkii Westgate.

Dowladda Kenya, ayaa diiday warar sheegaya in Kenya loo digay inuu dhici doono weerar ay soo qaadaan kooxda mintidiinta Alshabaab in la iska indho tiray.

Wargaysyada dalka, ayaa sheegay in sirdoonka waddanka ay sheegeen sannad ka hor in mintidiin laga shakisan yahay inay qorshaynayaan weerar is qarxin ah Nairobi, oo ay ku jirto xarunta dukaamada ee Wesgate.

Waxay sidoo kale ka digeen weeraro kale inay dhici karaan bishan.

Masuuliyiinta ammaanka ee Kenya, ayaa hor iman doona guddi baarlamaaneed Isniinta si ay uga jawaabaan eedeymaha guuldarada sirdoonka.

Ugu yaraan lixdan iyo toddobo qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen weerarka Westgate.