Konton lagu dilay Nigeriya

Milatariga Nigeriya ayaa sheegay, in niman looga shakisan yahay inay ka mid yihiin kooxaha islaamiyiinta ee Boko Xaraam ay weerareen arday jiifta guryo jaamacada beeraha ee gobolka Yobe ee waqooyiga waddanka.

Siyaasi gobolka jooga ayaa BBC u sheegay, in konton qof ay dhinteen, wuxuu sheegay in laba gaari oo ay ka buuxaan maydad in loo qaaday isbitaalka magaalo madaxda gobolka ee Damaturu.

Milatariga ayaa sheegay in niman hubaysan ay soo galeen habeenimadii dhismaha jaamacada ayna xabado ku fureen ardayda.

Waxaa kaloo la sheegayaa inay dab ku qabteen iskuulada.