In ka badan 30 ku dhimatay Pakistan

Image caption Gaari badan iyo dukaamo ayaa sidoo kale ku gubtay qaraxa.

Masuuliyiinta Pakistaan ayaa sheegay in in kabadan soddon qof ay dhinteen toddobaatan kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Peshawar.

Laba qarax ayaa ka dhacay suuq aad loo buuxay subaxnimadii axada, iyadoo dukaamada iyo gaariyada dab qabsiiyay.

Masuuliyiinta ayaa ka shakisan in gaari bambaano ay ku xiran tahay in weerarka lagu sameeyay, iyagoo sheegay in 200 kilogaram oo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen baabuur la soo dhigay saldhiga boliiska agtiisa.

Weerarka maanta waa qaraxii saddexaad ee ka dhaca Peshawar tan iyo toddobaadkii hore.