Kenya oo weli wadda baaritaan

Image caption Weerarka ka dhacay Westgate waxa uu socday muddo afar maalmood ah

Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan weerarkii ka dhacay toddobaadkii hore magaalada Nairobi.

Xubno ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa booqday dhismaha Westgate si u soo arkaan dhibaatada meesha ka dhacday iyo qasaaraha.. Guddoomiyaha guddiga, Ndungu Githinji, ayaa sheegay in Kenya ay dib u eegeyso doorka xeryaheeda qaxootiga ee Soomaalidu ku jiraan , kuwaasi oo uu sheegay in loo isticmaalo meelo lagu tababaro argagaxisada.

Guddiga ayaa waxa uu qorsheynayaa in uu baarlamaanka hor keeno madaxda ammaanka si ay uga jawaabaan suaalo ku saabsan suurtagalnimada guuldarada sirdoonka.

Dadka Kenya ayaa iyaguna la weydiin doonaa xog ku saabsan weerarka si ay caddeymo uga bixiyaan dadkii goobjoogga ahaa.

Dhinaca waxaa hoos u dhacay tirada dadka la la'yahay. Hey'adda Red Cross ee Kenya ayaa sheegtay in tirada dadka maqan ay yihiin 39, halka markii hore ay ka ahayd 61 qof.