Goobjooge ka warramay weerarka Nigeria

Image caption Ilaa Konton qof ayaa ku dhintay weerarka dalka Nigeria

Qof ka badbaaday weerarkii ka dhacay waqooyiga dalka Nigeria ayaa ka warramay sida ay ardeyda qaarkood ula carareen naftooda, markii rag dabley ah oo la aaminsan yahay inay yihiin Islaamiyiinta xagjirka ah ay rasaas ku fureen ardeyda oo huruday xilligaas.

Konton qof ayaa toogasho lagu dilay jaamacad dhinaca beeraha oo ku taal gobolka Yobe maalintii shalay.

Qof goobjoog ah ayaa sharraxay sida sida uu uga baxsaday dariishadda kadib markii uu maqlay dhawaaqa rasaasta, waxaana uu isku qariyay duurka isaga iyo ilaa saddex boqol oo kale.

Waxa uu sheegay markii uu soo laabtay inuu ka argagaxay markii uu arkay meydadka saaxiibadii.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in aanay xiri doonin iskuulada kale, sababtoo ah waxay sheegeen in taasi ay tahay waxa ay ragga dableyda ah doonayeen.

Kooxda Islaamiga ee Boko Xaaraam ayaa looga shakisan yahay weerarka inay ka dambeeyeen.