Obama oo codsaday in dowladda la furo

  • 1 Oktoobar 2013
Image caption Madaxweynaha Mareykanka waxa uu sheegay in aanu tooda u yeeli doonin xubnaha Jamhuuriga

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ku boorriyay xubnaha Jamhuuriga ee aqalka wakiillada inay u oggolaadaan dowladda inay dib u hawlgasho oo ay fuliso waajibaadkeeda.

Shir jaraa'id ayaa Mr Obama waxa uu ka sheegay in dowladda la xiray sababtuna ay tahay in hal garab oo hal xisbi ka tirsan aqalka Kongareeska ay go'aansadeen in aanay jecleyn hal sharci - kaasi oo siinaya caymis caafimaad oo raqiis ah malaayiin qof oo Mareykan ah.

Laakiin waxa uu sheegay in tani ay dhacayso oo keliya marka ay Jamhuurigu garowsadaan in aanay afduub ku heysan karin dowladda iyaga oo fikradooda dalbanaya.

Dalka Mareykanku waxa uu maanta dareemayaa saameynta in qeyb ahaan la xiray xafiisyadii dowladda federalka kadib markii labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadigga ee Aqalka Koongareeska ay ku heshiin waayeen miisaaniyad cusub.

Boqolaal kun oo shaqaale dowladda dhexe ee federalka ee Mareykanka ayaa loo sheegay maanta inay guryahooda iska joogaan iyadoo hey'adihii dowladda la xiray, inkasta oo adeegyada aasaasiga ah ay socdaan.

In ka badan toddobo boqol oo kun oo shaqaalaha dowladda dhexe ee Federalka ayaa shaqooyinkoodu mugdi uu ku jiraa ilaa heshiis laga gaaro.

Mar sii horreysay aqalka Senatka ayaa diiday qorshaha miisaaniyadda ee uu soo jeediyay aqalka wakiilada.