Magacyada raggii weeraray Kenya

  • 5 Oktoobar 2013

Milatariga Kenya ayaa sheegay magacyada afar nin oo ay sheegeen inay weerareen xaruntii tukaamada ee Nairobi laba toddobaad ka hor.

Afhayeenka milatariga ayaa sheegay nimanka oo weerarka ku dhintay in magacyadooda ay yihiin, Abu Baara al-Sudani, Cumar Nabhan, Khattab al-Kene iyo Cumayr. Mid ka mid ah nimanka ayaa u dhashay Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in laba nin ay xiriir la lahaayeen Alqacida, halka midka saddexaad uu xiriir la lahaa Alshabaab, oo sheegatay inay ka danbaysay weerarka xarunta dukaamada ee Westgate.