Ilaa afartan ku dhimatay Masar

Image caption Taageerayaasha Morsi ayaa laga mamnuucay inay sameeyaan mudaaharaadyo.

Ugu yaraan afartan qof ayaa ku dhintay Masar, iska horimaad dhexmaray taageerayaasha madaxweyne Maxamed Morsi iyo ciidamada ammaanka.

Maanta ayaa waxay ku aadan tahay afartanguuradii ka soo wareegtay dagaalkii 1973 ee Israel iyo Carabta.

Ciidamada Ammaanka, ayaa isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena si ay u joojiyaan taageerayaasha Morsi inay ku mudaaharaadaan fagaaraha Taxriir ee Qaahira.

Kumanaan qof ayaa ka qaybgalayay dabaaldeg fagaaraha taxriir, oo ay soo qabanqaabiyeen ciidamada.

Iska horimaadyo la mid ah kan Qaahira ayaa ka dhacay magaalooyinka kale ee waddanka.