Lampedusa: Maydad kale oo laga helay Badda

Image caption Maydkii laga helay badda

Talyaaniga ayaa ka helay maydad dheeraad ah doontii ku gadoontay jasiirada Lampedusa Khamiistii.

in ka badan saddex boqol oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen shilka.

ilaa toddobaatan mayd ayaa la helay maanta, kadib markii badquudayaasha ay bilaabeen inay ka raadiyayaan badda hoosteeda maydadka hal kilometer meel u jirta jasiirada.

Maydad badan ayaa la aaminsan yahay inay ku dhexjiraan doonta dhextaala badda hoosteeda.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in madaxa Gudigga Yurub, Jose Manuel Barroso, inuu booqan doono jasiirada Lampedusa Arbacada.