Dumarka Sacuudiga oo noqon kara qareen

Image caption Dumarka Sacuudiga ayaa waxay sidoo kale wadaan olole ay ku doonayaan in loogu ogolaado inay wadi karaan baabuurta.

Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horaysay u ogolaatay dumar inay ku shaqaystaan qareenimo.

Mid ka mid ah dumarka loo ogolaaday qareenimada ayaa soo galisay internetka liisanka shaqada loogu ogolaaday, iyadoo u mahadnaqaysa dadkii taageeray in dumarka Sacuudiga loo ogolaado inay noqdaan qareeno. ilaa hadda dumarka waxaa loo ogolaa oo kaliya inay la taliye ahaan u shaqeeyaan oo aysan matali karin qof maxkamada.

Sharciga Sacuudiga ayaa sida dhaqanka uu yahay inta badan nimanka muhiimada badan siiya dacwooyinka maxkamada ee u dhaxeeya dumarka iyo ragga.