Burburinta hubka Suuriya oo bilaabatay

Image caption Hubka kiimikada ee Suuriya.

Kooxda caalamiga ee hub ka dhigida ayaa bilaawday inay kormeerto burburinta hubka Suuriya iyo mashiinada lagu sameeyo.

Sarkaal ka socda ururka ka hortaga hubka kiimikada, ayaa sheegay in madaxyada hubka halista iyo hubka qaraxa sababa ay ka mid yihiin waxyaabihii la burburiyay maalinta koowaad.

Wali lama sheegin meesha hubka la burburiyay uu yaalo.

Madaxweynaha Bashar al Assad, ayaa ogolaaday inuu dhiibo hubkiisa kadib markii hub kiimiko ah lagu weeraray magaalada Dimishiq bishii August.