Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka sahminta shidaalka Soomaaliya

Image caption Xubnaha ka socday dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiirada kheyraadka iyo maaliyadda

Shir caalami ah oo looga hadlayay Sahminta shidaalka iyo gaaska ay suurtagalka tahay in Soomaliya laga helo, ayaa waxa lagu soo gabagabeeyay galabta magaaladatan London, shirka oo ay soo qabanqaabisay shirkad British ah Soma Oil and Gas, oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalayay shirkado caalami ah oo maalgashi, kuwa shidaalka, ganacsato iyo xubno ka socda dowladda federalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee shir noociisa oo kale ah la qabto oo looga hadlayo sahminta shidaal iyo gas laga helo Soomaaliya, waxaana uu ku soo beegmayaa laba bilood kadib markii shirkadda British-ka ee Soma Oil and Gas ay heshiis magaalada Muqdisho kula gashay dowladda federalka ee Soomaaliya, si ay uga caawiso sidii loo baari lahaa, loona horumarin lahaa hydrocarbon Soomaaliya.

Dadka dhaliilsan arrimaha heshiiskan dhinaca shidaalka waxa ay sheegayaan inay jiraan khatar xagga siyaasadda iyo ammaanka oo ay sheegayaan inay keeni karto in dhibaato hor leh ay Soomaaliya geliso oo la isku qabsado kheyraadka.

Waxa ay suaal ka keenayaan awoodda dowladda federalka ee Soomaaliya oo aan gacanta ku wada hayn dalka inay wax ka qaban karto arrimaha caqabadaha ku noqon kara sahminta shidaalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso arrinta ammaanka.

Qabanqaabiyayaasha shirkan caalamiga ah ee looga hadlayo fursadaha iyo sahminta shidaalka Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in hawshooda ay soo jiidan karto maalgelin shisheeye, taasi oo dalka Soomaaliya ee dagaalladu baabi'iyeen u horseedi karta barwaaqo iyo dhaqaale wanaagsan oo keena fursado shaq, laakiin in badan in guul laga gaaro arrintan waxay ku xirnaan doontaa xaaladda ammaanka dhulka oo qeybo badan ay ka taliyaan xooggaga al Shabaab oo la dagaallamaya dowladda Soomaaliya iyo danaha reer galbeedka.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa warbixintan ka diyaariyay.