Malariyada oo loo helay talaal cusub

Image caption Cudurka malariyada waxaa u dhinta sanad walba in ka badan 600 kun oo qof

Natiijadii ugu dambeysay ee tijaabada talaalka cudurka malaariyada ayaa waxa ay muujineysaa in sii xooggan ay hoos ugu dhigtay tirada caruurta malaariyada ku dhacdo.

Sida ay muujinayaan tijaabooyinka laga sameeyay 11 xarumo cilmi-baaris oo ku yaal toddobo dal oo Afrika ah - talaalka (RTS, S) waxa uu kala bar ka dhigay tirada cudurka malaariyada ee ku dhacda ilmaha yaryar , isagoo 25 boqolkiibana hoos u dhigay kuwa ku dhaca dhallaanka.

Shirkadda British ee dhinaca daawooyinka - GlaxoSmithKline - oo horumarineysa talaalka barnaamijka loogu magac daray PATH Malaria Initiative (oo uu taageero ururuka samafalka ee Bill iyo Melinda Gates), ayaa sheegay inay u dalbi doonaan sharci fasaxaya daawadaasi sanadka soo socda, kaasi oo la filayo in loo oggolaado horraanta ugu horreyn 2015.

Cudurka malariyada ee ay sababto kaneecada ayaa waxa uu dilaa in ka badan lix boqol oo kun oo qof sanadkii, oo intooda badan ah dadlalka saboolka ee ka hooseeya saxaraha Afrika.