Tirada dhimashada tahriibayaasha Lampedusa oo kor u sii kacday

  • 8 Oktoobar 2013
Lampedusa rescue
Meydadkii tahriibayaasha Lampedusa oo la soo saarayo

Ilaa 232 ayaa hadda la xqiijiyey in meydkoodii la hayo dadkii tahriibayaasha ahaa ee dhawaan ku qaraqmay badda xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga. Dadkaasi waxa la sheegay inay u badnaayeen Iriteeriyaan iyo Soomaali.

Waxa la adeegsanayaa ilaa hadda badmaaxyo quusa mawjadaha hoostooda oo soo saara wixii meydad ah ee ay la kulmaan.

38 meyd oo kale ayaa iyagana laga soo saaray doonidii degtey gudahadaheeda oo halkaasi ku xannibnaa, oo markii hore dhibaato ay ahayd in la baadho oo la geli karo gudaheeda.

Doonidaas oo ay saarnaayeen ilaa 500 oo tahriibayaal ah, waxay degtey ka dib markii dab qabsaday meel u dhaw jasiiradda Sicily.

Waxa kale oo jirey 155 qof oo nolol lagu soo badbaadiyey, meelo ilaa 1KM xeebta dhexdeeda.

Tobannaan kun oo tahriibayaal ah ayaa isku daya sannad kasta inay ka soo gudbaan xeebaha dalalka Afrikada Waqooyi, una soo kicitima dhinaca xeebaha Sicily iyo jasiiradaha kale ee Talyaaniga.

Shilkani ugu danbeeyey ee dhimashada Lampedusa-na waxa uu ka mid yahay kuwii ugu xumaa ee ku dhaca dadka tahriibayaasha ah, badda Mediterranean-ka.

map migrants flow
Jidadka Tahriibayaasha