Charles Taylor oo lagu xidhi doono Ingiriiska

charles taylor
Image caption Charles Taylor

Madaxweynihii hore ee dalka Liberia, Charles Taylor, ayaa 50 sano oo xabsi ah ku qaadan doono xabsi ku yaal dalkan Ingiriiska, sidaasina waxa xaqiijisay wasiirka caddaaladda ee Ingriiska Jeremy Wright.

Arrintani waxay ka danbaysay maxkamadda gaar ah ee denbiyada caalamiga ah ee Hague ee qaadaysa dacwadihii Charles Taylor, hoggaamiyihii hore ee dalka Liberia, oo ku gacansaydhay racfaankii uu ka qaatay xukunkii hore loogu riday.

Charles taylor, maxkamaddan imiku waxay go'aamisay in sidiisii yahay xukun hore loogu ridey oo ahaa 50 sano oo xabsi ah, bishii hore ee May.

Waana qofkii ugu horreeyey ee hore u ahaan jirey madaxweyne ee maxkamadda caalamiga ah ee denbiyadu ay ku riddo xukun ilaa dagaalkii labaad ee adduunka.

Maxkamaddan racfaanka waxay sheegtay in xukunkaasi hore uu ahaa mid xaq ah oo si caddaalada ah u dhacay, hasse ahaatee garyaqaannada Charles Taylor waxay ku tilmaameen wax laga xumaado.

Charles Taylor oo da'diisu ay tahay 65 jir waxa la soo qabtay sannaddii 2006, haddii imika la meelmariyo xunkukii horena, waxa uu xabsigaasi ku qaadan doonaa dal debadeed. Dalkan Ingiriiska ayaa hore u aqbalay in lagu hayo mid ka mid ah xabsiyada dalkani. Meelaha kale ee la soo jeedinayo waxa ka mid ahaa Sweden iyo Rwanda.

Charles Taylor waxa lagu helay markaas inuu gacan ka geystey xasuuq iyo falal ka dhan ah xuquuqda ba'iiaadminimada dalka Sierra Leone, isagoo gacan siiyey jabhadihii halkaasi ka dagaallamayey sannadihii u dhexeeyey 1991 - 2002. (Eeg khariidadda hoos ku taal).

Image caption Khariidadda Liberia Sierra Leone