Qaramada Midoobey iyo Maraykan oo cambaareeyey afduubkii ra'iisalwasaaraha Liibiya

  • 11 Oktoobar 2013
Libya PM
Image caption Cali Saydaan oo ku baaqaya deganaansho

Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa, dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa dhammaan cambaareeyey afduubkii shalay lagula kacay ra'iisalwasaaraha dalka Libya Cali Seydaan.

Xoghaya arrimaha debadda ee Maraykanka John Kerry waxa uu falkaasi afduubka ku tilmaamay mid "budhcadnimo" ahaa. Dawladda dalkan Ingiriisku ayaa iyana shalay si weyn u cambaaraysay afduubkaasi ra'iisalwasaaraha, kuna baaqaday in isla markaaba si dhakhso ah loo sii daayo.

Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey waxa uu isna ugu baaqay dhammaan dadweynaha reer Liibiya in la dhawro sharciga iyo deganaanshaha.

Ra'iisalwaraaha Libya, Cali Saydaan ayaa isna ammaanay kooxihii soo badbaadiyey, waxanu ugu baaqay dhammaan dadweynaha iyo kooxuhuba inay isdejiyaan.

Cali Seydaan waxa shalay laga afduubay hudheel ku yaalla magaalada madaxda Daraabulus amma Tripoli ee dalka Liibiya, waxana la sheegay inay halkaasi ka kaxaysteen ra'iisalwasaaraha koox dabley ah oo hubaysani saaka saacadihii hore

Afduubkaasi waxa sheegtay koox ka mid ah kooxaha hubaysan ee dalkaasi oo la baxday 'Cutubka la-dagaallanka denbiyada', waxayna sheegeen inay fulinayeen amar ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas oo ahaa in la soo qabto ra'iisalwasaaraha. Hasse ahatee wasiirka caddaaladda ee dalka Liibiya, Saalax al-Marqaani, iyo xeer ilaaliyaha laftisa, labaduba waxay beeniyeen arrintani, waxayna sheegeen in aanu jirin wax amar ah amma waaran ah oo ku saabsan xidhitaanka ra'iisalwasaaraha.

Afduubkani waxa uu ku soo beegmay iyada oo ay jirto cadho kooxaha Liibiya qaarkood ay ka qaadeen xidhitaankii Maraykanku ay kula kaceen Sabtidii nin la yidhaa Abu Anas al-Liibi oo la rumaysan yahay in uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha sarsare ee al-Qaacida, horena loogu haystey in uu ka danbeeyey falal argagixisnnimo.

Cali Seydaan waxa uu dalkaasi ra'iisalwasaare ka ahaa muddo ilaa hal sano ah.