Midowga Afrika: Dib haloo dhigo dacwada Uhuru

  • 12 Oktoobar 2013
Midowga Afrika
Image caption Shirka Midowga Afrika

Hogaamiyayaasha Afrikaanka, ayaa shir ay ku lahaayeen Addisababa waxay go'aan ku gaareen in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, uusan hor imaan Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada ilaa dib loo dhigo dacwadiisa.

Hogaamiyaasha Midowga Afrika, ayaa sheegay in madaxweyne Afrikaan oo xil haya uusan hor iman karin maxkamad caalami ah.

Dacwada Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bilaabanaysa bisha danbe, iyadoo loo haysto danbiyo kasoo horjeeda biniaadanka, inkastoo uu dhowr jeer codsaday in dib loo dhigo.

Uhuru Kenyatta ayaa mar walba sheegay inuu la shaqaynayo maxkamadda.