Doon kale oo ku gadoontay Lampedusa

Maydka dadkii ku dhintay doonta
Image caption Maydka dadka laga soo bixiyay badda ee doonta ku gadoontay Talyaaniga.

Ra'iisalwasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in biyaha Yurub ee u dhow Afrika ay noqonayso qabri, kadib markii doon kale oo qaxooti saaran yihiin ay gadoontay. Shilkan ugu danbeeyay ayaa ugu yaraan konton qof ay ku dhinteen koonfurta jasiirada Lampedusa.

Ilaalada badda ee Talyaaniga iyo Malta ayaa waxay badbaadiyeen laba boqol oo qof iyagoo shaqaynayay habeenkii oo dhan.

Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga, Enrico Letta ayaa sheegay in masiibadan ay xaqiijinayso xaalada degdega ah ee ka taagan badda madetareniyanka.

Toddobaadkii hore in ka badan saddex boqol iyo soddon qof ayaa dhintay markii doon ay ku gadoontay Lampedusa.