Dabaylo xoogan oo ka dhacay Hindiya

Image caption Malaayiin qof ayay saamaysay dabaylaha Hindiya.

Kooxaha maareeya masiibooyinka ee Hindiya ayaa bilaabay howlahooda gargaarka, kadib markii dabaylaha Cyclone Phailin ay burburiyeen gobolo bariga, fatahaadana u keenay magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxaha gargaarka loo diray Orissa iyo Andhra Pradesh, si ay u badbaadiyaan dadka ku dhex jira burburka.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa dhintay oo badankood geedo ku soo dhaceen. Wariyaha BBC ayaa sheegay in daadgurayntii ugu wayneed taariikhda Hindiya ay badbaadisay nolol, qasaarahana yaraysay.

Qasaaraha intuu la'egyahay lama oga sababtoo ah waxaa go'an korantadii iyo isgaarsiintii.