Filimka Captain Phillips

captain phillips
Image caption Captain Phillips iyo budhcadbadeed

Jilaaga reer mareykan ee Tom Hanks ayaa durbaba waxa soo gaaraya baaqyada amaalmarinta Oscar doorka uu ka qaatay filimka Captain Phillips awgeed.

Filimkaasi ayaa waxa lagu saleeyay afduubkii ay koox burcadbadeed Soomaali ah ay afduubteen markabka mareykanka ee Maersk Alabama sanadkii 2009-kii.

Filimkan ayaa waxa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeyay kabtanka markabkaasi Richard Phillips (Hanks) iyo kabtanka kooxda burcadbadeedda soomaalida, Muse (Barkhad Abdi) oo afduub u haystey.

Image caption Markabkii Maersk Alabama

Hanks ayaa sheegay in uu la kulmay kabtan Phillips laba jeer isla markaana uu saacado badan la qaatay si uu wax uga ogaado “macluumaad yar yar”.

Agaasimaha filimkani oo British amma Ingiriis, ah Paul Greengrass, ayaa sheegay in ay u tahay “sharaf iyo faa’iido gaar ahaaneed” in filimkiisa lagu daahfurayo xaflad “ka dhaceysa magaalo aflaan badan lagu sameeyay”.)