Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (1.4 Mb)

Warbixin qaraxa Baladweyne

19 Oktoobar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 21:41 SGA 18:41 GMT

Ilaa hadda ayaa waxaa la ogyahay inay dhinteen ilaa toban iyo afar qof qof oo u badan rayad, ilaa soddon iyo afar qof ayaa lagu qiyaasayaa inay dhaawacmeen.

Magaalada Baladweyne ayaa waxay xarun u tahay ciidamo nabad ilaalin oo ka yimid Itoobiya iyo Djibouti, ciidamada Djibouti waxay ka tirsan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsanayn AMISOM ayaa u jooga la dagaalanka Alshabaab.

Shirar la doonayo in maamul loogu dhiso degmooyinka gobolka ayaa ka socday Beledwayne maalmahan, kuwaasoo ay ka qaybgalayeen wafdi ka socday wasaarada arrimaha gudaha, madaxda dhaqanka ee beelaha deegaanka iyo qaybaha bulshada.