Qarax ka dhacay Baladweyne

  • 19 Oktoobar 2013
Maqaayada shaaha ee qaraxa ka dhacay ayaa waxay ku taalaa bartamaha magaalada.

Qarax ka dhacay magaalada Baladweyne maqaayad ku dhow xarunta maamulka iyo saldhig boliis, ayaa wararka ay sheegayaan in dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda ayaa waxaa la ogyahay inay dhinteen ilaa toban iyo afar qof qof oo u badan rayad, ilaa soddon iyo afar qof ayaa lagu qiyaasayaa inay dhaawacmeen.

Magaalada Baladweyne ayaa waxay xarun u tahay ciidamo nabad ilaalin oo ka yimid Itoobiya iyo Djibouti, ciidamada Djibouti waxay ka tirsan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsanayn AMISOM ayaa u jooga la dagaalanka Alshabaab.

Shirar la doonayo in maamul loogu dhiso degmooyinka gobolka ayaa ka socday Beledwayne maalmahan, kuwaasoo ay ka qaybgalayeen wafdi ka socday wasaarada arrimaha gudaha, madaxda dhaqanka ee beelaha deegaanka iyo qaybaha bulshada.