Australia oo xaalad deg deg ah lagu dhawaaqay

  • 20 Oktoobar 2013
Image caption Dabka ayaa burburiyay in kabadan laba boqol oo guri walina wuu holcayaa.

Xaalad deg deg ah ayaa lagu dhawaaqay gobolka New South Wales ee Australia, halkaasoo dab damiyayaasha ay la halgamayaan dab kaymaha ka holcaya, iyagoo isku diyaarinaya inay xaalada ka sii darto.

Ku dhawaaqida xaalada deg dega ayaa awood siinaysa masuuliyiinta si ay ugu qasbaan dadka inay guryahooda ka baxaan ayna damiyaan korontada hadii loo baahdo.

Saadaasha cimilada ayaa sheegaysa in kulayl uu soo noqon doono iyo dabaylo, taasoo la filayo inay sii holciyaan dabka maalmaha soo socda.

Dabkii ugu xumaa gobolka toban sano ayaa wuxuu baabi'iyay in kabadan laba boqol oo guri, dabkana wali wuxuu u holcayaa si xoogan.