France oo ka caraysan basaasidda USA

Fabius
Image caption Wasiirka arimaha dibedda ee Fransiiska

Faransiiska ayaa u yeeray safiirka mareykanka u fadhiya Paris, taasi oo uu uga jawaabayo warbixinno sheegay in sirdoonka Maraykanka uu basaasnimo ka waday dalka Faransiiska.

Warkan oo lagu daabacay wargeyska Le Monde ee ka so baxa dalka Faransiiska ayaa sheegay in sirdoonka mareykanka uu si qarsoodi ah u duubay malaayin taleefoonnada gudaha dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Manuel Valls ayaa ku tilmaamay eedeymahaasi lagu daabacay wargeyska Le Monde kuwo laga naxo.

Dowladda Mexico ayaa sidoo kale si weyn u cambaareysay eedeymo kuwaas la mid ah oo sheegaya in Maraykanku uu basaasay madaxweynihii hore ee Mexico Felipe Calderon, kaddib markii ay warbixin cususb ku soo baxday Wargeys laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Der Spiegel.

Wargeyska ayaa sheegay in qoraallo qarsoodi ah oo laga so xigtay ninka horey ugu shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka, Edward Snowden, ay muujinayaan in farriimaha internetka ee Felipe Calderon loo dhacay muddadii uu xilka hayay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan