Baaq ah in laga baxo goobaha dabka Australiya

Australia fire
Image caption Khasaaraha ka dhashay dabka Australia

Mas'uuliyiinta gobolka New South Wales ee dalka Australia ayaa ka digay in dabka ka kacay buuralayda Blue Mountains ay ka dhalan karto musiibo weyn.

Waxay sheegayaan in dabaylo xowli ku socda iyo cimillada kulul ay uga sii darayaan xaaladda.

Dadka ayaa laga codsaday inay ka baxaan goobtaas, waxaana xaalad deg deg ah looga dhawaaqay meelo ka ag dhaw magaalada Newscastle, oo ku taalla woqooyiga Sydney.

Holaca qaarkii ayaa la sheegayaa in dhirirkiisu gaaraya guryaha shanta dabaq ka kooban.

Image caption Dabka ayaa ka kacay gobolka New South Wales

Ilaa 3,000 ruux oo bademiyayaal ah ayaa ka hortagayo dabka, kuwa dheeri ahna waxaa looga yeeray gobollada kale ee dalka.

Inta badan dhulka buuralayda ee Blue Mountains ayaa baaba'ay iyadoo in ka badan 200 oo guri ay burbureen.

Dhimashada ayaa ilaa haatan aan sidaa u badnayn, waxaana la sheegay in hal ruux uu dhintay kaddib markii uu wadnaha istaagay isagoo gurigiisa ka difaacayo dabka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan