Jarmalka oo ka xun basaasidda Amerika

Image caption Anjela Merkel iyo Obama

Madaxda Midowga Yurub ayaa shir ku leh magaalada Brussels maalin kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayo in sirdoonka Maraykanka ay dhagaysanayeen telefoonnada Ra'iisalwasaraaha Jarmalka Anjela Merkel.

Merkel ayaa khadka telefoonka kula hadashay madaxweynaha Maraykanka Barack Obama kaddib markii ay soo baxeen wararkaas.

Waxay Maraykanka ka codsatay inuu faafaahin ka bixiyo wararkaas.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Obama uu Merkel u sheegay in Maraykanku uusan dhagaysan telefoonnadeeda.

Faransiiska ayaa horey u sheegay inuu ka carooday warar sheegaya in sirdoonka uu dhagaystay telefoonnada 70 milyan oo ruux oo u dhashay dalkaas.

Madaxweynaha Faransiiska Francoius Hollande ayaa doonayo in arrintan ay ka wada hadalaan madaxda reer Yurub ee shiraysa.

Wararkan la xiriira howlaha basaasidda ee Maraykanka ayaa laga soo xigtaa ninka baxsadka ah ee horey ula shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan