Norway: Waan waaninay Xasan Dhuxulow

Image caption Sawirro laga helay militeriga Kenya oo muujinayo ragga weerarka Westgate gaystay.

Mas'uul sare oo ka tirsan nabadsugidda Norway ayaa sheegay in dowladdisu isku dayday inay qanciso mid ka mid ah ragga looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii Westgate ee Nairobi.

Madaxa howlaha ammaanka ee boliiska Norway, Marie Benedicte, ayaa sheegtay inay la kulmeen Xasan Cabdi Dhuxulow dhowr jeer.

Waxay isku dayeen inay ka soo leexiyaan fikirka ah inuu ku biira kooxaha Jihaad doonka ah.

Dhuxulow oo 23 sano jir ah, iyo rag kale ayaa loogu shakisan yahay inay gaysteen weerar afar maalmood socday oo lagu qaaday xarunta ganacsi ee Wetsgate ee Nairobi.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 67 ruux.

Dhuxulow ayaa Norway ka soo tegay saddex sano ka hor.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Westgate.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay weli waddo baaritaannada la xiriira weerakaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan