Weerar ka dhacay xadka Iran iyo Pakistan

  • 26 Oktoobar 2013

Wakaalada wararka ee Iran ayaa sheegtay, in afar iyo toban ilaalada xadduuda ay ku dhinteen weerar ay ku soo qaadeen niman hubaysan xudduuda ay la leedahay Pakistan.

Warfaafinta dowladda ayaa sheegtay in weerarka kadib lix iyo toban qof oo lala xiriiriyay weerarka lagu soo qaaday dowladda in la dilay.

Weerarka ayaa ka dhacay gobolka buuraha ee banaanka magaalada Saravan. Lama oga meesha ay ka imaadeen dadka weerarka soo qaaday, laakiin xildhibaan ka socda Savaran ayaa wuxuu ku sheegay inay yihiin mucaaradka kacaanka Iran.

Xudduuda ay Iran la leedahay Pakistan ayaa rabshado ay ka dhacaan mar walba waxaana jidka isticmaala dadka daroogada iibiya.