Wafdi Qaramada Midoobay oo booqday Muqdisho

Image caption Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo soo dhawaynaya Jan Eliasson.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo uu wehiliyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Key, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Wasiiradiisa Arrimaha Dibadda Fawziyo yuusuf Xaaji Aden iyo Gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Fiqi.

Shirka kadib, ayaa Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo Kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson, waxa ay si wada jira suxufiyiinta ula wadaageen waxyaabihii ay ka wada hadleen, iyadoo si gaara Jan Eliasson uu hoosta uga xariiqay sida ay u garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed si ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ka hadlay shirka jaraa'id ayaa ku dheeraaday amaanta uu u hayo Qaramada Midoobay, oo uu sheegay inay Soomaaliya is garab taagtay xili aad u adag isagoo ku booriyay inay sii kordhiyaan taageeradooda.

Madaxweynaha, ayaa ku tilmaamay imaatinka wafdiga sare ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho mid meesha ka saaraya daacayada uu sheegay in laga fidiyo amaanka caasimada iyo guud ahaan dalka.

Imaanshaha wafdiga Qaramada Midoobay ee uu horkacayay kuxigeenka Ban ki Moon, ayaa imaanaysa maalin kadib markii ay Muqdisho imaadeen wafdi sare oo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabada ee Midowga Afrika. Wafdigaas ayaa sidoo kale kulamo kula qaatay madaxtooyada madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.