Banaanbaxa dumarka Sacuudiga

Image caption Dumarka Sacuudiga oo gaari kaxaynaya inkastoo sharciga uu ka mamnuucayo.

Dadka ololeeya Sacuudi Carabiya ayaa sheegay, in in ka badan lixdan dumar ay ka qaybgaleen banaanbax looga soo horjeedo mamnuucida dumarka inay baabuur wadaan.

Video muujinaya dumar yar oo gaari wadaan ayaa internetka la soo galiyay.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa u sheegtay dadka in la ciqaabi doono hadii ay ka qaybgalaan banaanbaxa. Ilaa toddobo iypo toban kun ayaa saxiixay in mamnuucida la joojiyo.