Radio Shabeelle oo la xiray

Boliiska iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galay xarunta Radio Shabeelle ee Muqdisho kadibna Raadiyaha hawada ka saaray.

Dowlada ayaa sheegtay inay doonayso dhismaha raadiyaha oo ay dowladda leedahay. Maanta ayay ku ekeyd shan maalmood oo ay dowladda u qabatay raadiyaha inay dhismaha kaga baxaan.

Maxamed Amiin oo ka mid ah madaxda Radio Shabeelle ayaa BBCda u sheegay, in ciidamada ay shaqaalihii idaacada baabuur ku qaadeen oo la geeyay saldhiga. Wuxuu sheegay shanta maalmood ee loo qabtay inay aad u yarayd oo aan lagu rari karin qalabka hayadda.

Wuxuu kaloo sheegay in ay si sharci ah ay ku degenaayeen dhismaha, kadib markii ay heshiis la galeen dowladdii hore ee Soomaaliya ee Shiiq Shariif, ayna kaga baxday dhismaha ku dhawaad afartan iyo shan kun oo dollar.

Radio Shabeelle wuxuu ka mid yahay raadiyayaasha madaxa banaan ee laga hirgaliyay Muqdisho.