Kenya: Waa in qaxootiga loo celiyo Soomaaliya

Image caption Wasiirka Arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Joseph Ole Lenku, ayaa sheegay in dowladda ay bilaabayso inay ku celiso qaxootiga Soomaalida waddankooda.

Mr Lenku, ayaa sheegay qaxootiga in waddanka lagu soo dhaweeyay, laakiin ay ku xadgudbeen soo dhawayntii Kenya iyagoo ku qorsheeyay weerar argagixiso ay qaadeen.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarkii bishii hore ee lagu qaaday xarunta dukaamada ee Westgate ee Nairobi, halkoos oo dad badan ay ku dhinteen.