Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ruto oo ICC siisay fasax gaaban

Madaxweyne Ku xigeenka Kenya William Ruto, ayey maxkamadda ICC siisay fasax saddax maalin ah iyadoo uu Uhuru Kenyatta Isniinta u ambabixidoona dalka Rwanda.

ICC-da ayaa William Ruto u ogolaatay inuu dalkiisa dib ugu laabto, marka saddaxda maalin u dhamaatana uu dib ugu laabto magaalada Hague.

Mr Ruto ayaa Jimcihii la soo dhaafay Maxkamadda ay u diiday inuu ka maqnaada dhageysiga aan muhiimka ahayn ee dacwadiisa.