Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Jilib

Al Shabaab
Image caption Al Shabaab ayaa gacanta ku haya dhowr magaalo oo ay ka mid tahay Jilib

Dad degan magaalada Jilib ee koonfurta Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in weerar lagu qaaday baabuur ay wateen rag ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dadweyne BBC-da ay la xiriirtay ayaa sheegay in weerarku gaysteen diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee loo yeqaanno Drones-ka.

Laakin mas'uul sare oo ka tirsan militeriga Kenya ayaa sheegay in weerarku ahaa mid ay qaadeen maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Ciidammada Kenya ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday dhulka ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab iyagoo adeegsanayo maraakiibta dagaalka.

Maraykanka ayaa sidoo kale dhowr jeer oo hore adeegsaday diyaaradaha Drone-ka.

Maraykanka ayaa dhowr toddobaad ka hor weerar ku qaaday xarunta Al-Shabaab ee Baraawe, iyagoo sheegay inay bartilmaameedsanayeen mas'uul sare oo ka tirsan ururkaas.

Waxay sheegeen in ninkan uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ee Nairobi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan