Culays Maraykanku lagu saarayo inuu joojiyo barnaamijka dabagalka

Snowden
Image caption Dobedbaxyo looga soo horjeeda barnaamijka lagu dhagaysto telefoonnada dadka caadiga ah

Madaxaa guddiga awoodda badan ee sirdoonka ee aqalka Senet-ka Maraykanka ayaa ku baaqday dib u eegid ballaaran in lagu sameeyo qaabka uu Maraykanku wax u basaaso.

Diane Feinstein ayaa sheegtay inay qalad tahay in Maraykanku basaaso hoggaamiyayaasha waddamada ay xulafada yihiin.

Waxay miisaal ahaan u soo qaadatay hoggaamiyaha Jarmalka Anjela Merkel.

Waxa kale oo ay Diane cambaareysay in madaxweyne Obama aan lala socodsiin holwhan sirdoonka.

Waxay sheegtay in Aqalka Cad ee Maraykanka u sheegay inay joojin doonaan barnaamijka dabagalka.

Hasa ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan maammulka Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in laga yaabo in dadka la kala baddalo, laakin aysan dhici doonin is baddel dhanka siyaasadda ah.

Wararkan la xiriiro basaasidda Maraykanka ee Yurub iyo waddamada kale ayaa soo baxayay tan iyo markii uu baxsaday ninka horey ugu shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka Edward Snowden.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan