USA oo qirtay inay fulisay weerarka Jilib

Drones
Image caption Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa horey weerarro uga fuliyay Soomaaliya

Mas'uuliyiin u hadlay Maraykanka ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkii lagu dilay labo sarkaal oo ka tirsan ururka Al Shabaab

Wasiirk arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay in labada sarkaal lagu dilay duleedka magaalada Jilib.

Cabdikarim Guuleed waxaa uu sheegay in mid ka mid ah ragga ku dhintay duqeyn xagga cirka ah uu mas'uul ka ahaa weerarrada ismiidaaminta ee ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Dadka degan magaalada Jilib ayaa BBC u sheegay in diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ay gaysteen weerarkaas.

Maraykanka ayaa dhowr jeer hore adeegsaday diyaaradaha Drone-ka.

Dhowr toddobaad ka hor, ayay ciidammada gaarka ee Maraykanka waxay weerar ku qaadeen xarunta Al-Shabaab ee Baraawe, iyagoo sheegay inay bartilmaameedsanayeen mas'uul sare oo ka tirsan ururkaas.

Maraykanka ayaa sheegay in ninkan uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ee Nairobi.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku dhintay weerarkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarka Westgate.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan