Tareen isku xidha Yurub iyo Aasiya oo Turkigu furay

  • 29 Oktoobar 2013

Tareenkani cusub ee badda hoosteeda maraya waxa uu ka gudbaya khooriga loo yaqaanno Bosphorus, waxanu isku xidhaya xeebaha Yurub iyo Aasiya markii ugu horraysay taariikhda.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Racip Erdogan ayaa rasmi ahaan u furay mashruucii u horeeyey ee tareen badda hoosteeda maraya oo isku xiraya labadan qaaradood.

Hirgalintan mashruucan waxay ka dhabeysay riyadii Sultaankii xukumay Turkiga 150 sano ka hor oo mashruucan oo kale ku fakaray, si loo helo jid loo bixiyey 'Jidkii Xariirta' oo lagu hammiyayey in la xidhiidhiyo ilaa iyo Shiinaha.

Waxaa ku baxay mashruucan 3 bilyan oo euro, waxaana iska kashaday Turkiga iyo Japan.

Markii xariga laga jaray mashruuca oo ay ka qayb galeen madax badan oo adduunka ka kala socotay oo lagu martiqaaday ayaa musiga dalka Turkiga la garacay oo loo dabaaldegay.

Dhaqan ahaanna magaalada Instanbul waxay u taagnayd magaalo kulmisa xadaaradaha Aasiya iyo dhinaca kale kuwa reer Yurub, sidaasi awgeedna waxa munaasabaddani loo sameeyey xaflad weyn oo caalami ah oo lagu casuumay madax adduunka ka kala timid.

Madaxda ka qayb gashayna waxa ka mid ah madaxwweynaha dawladda Federaalka ah ee Somali, Xassan Sheikh Mohamoud.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Recep Erdogan waxa uu ku tilmaamay mashruucani in aanu ahayn mid u gaar ah Turkiga oo qudha, laakiin u faa'iideynaya ban'iiaadamka oo dhan.