Hogaamiye Ikhwaanka Masar ah oo la xiray

Morsi
Image caption Dowladda Masar ayaa bartilmaameedsaday madaxda iyo taageerayaasha Mursi tan iyo markii xukunka laga tuuray

Cisaam al-Caryaan oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar oo muddo dhuumaalaysanayay ayaa la soo xiray.

Caryaan ayaa laga qabtay guri ku yaalla caasimada Qaahira, sida ay sheegtay dowladda Masar.

Caryaan waa guddoomiye ku xigeenka xisbiga Xoriyadda iyo Caddaalada, oo ah garabka siyaasadeed ee Ikhwanul Muslimiinka.

Boliiska ayaa baadi goobayay tan iyo bishii July, xilligaas oo xukunka laga riday madaxweynihii hore ee Masar, Maxamad Mursi.

Xiritaanka Caryan ayaa qeyb ka ah cabburinta uu maamulka ku hayo dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta ah, oo hadda la mamnuucay.

Wakaaladda wararka ee Masar ee Mena ayaa sheegtay in Caryaan iyo dhowr hoggaamiye oo uu ka mid yahay Maxamad Mursi maxkamad lasoo taagi doono todobaadka soo socda.

Image caption Dowladda ayaa soo bandhigtay sawirka Caryaan oo muusoonayo xilliga la xirayay

Hoggaamiyaha ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Badiic ayaa ka mid ah ragga xabsiga ku jira ee sugayo in la maxkamadeeyo.

Saddex xaakin oo gacanta ku hayay dacwad ka dhan ah Badiic, iyo ku xigeenkiisa Khayrat al-Shatir, ayaa kiiska faraha kala baxay.

Maxamed Fahmy al-Qarmuty, oo hadlayay kooxda qaadaysay dacwadda Badiic ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay kiiska ka harayaan.

Waxaa uu sheegay in damiirkoodu u saamaxayn inay qaadaan dacwadaas.

Badiic iyo Shatir ayaa loo haystaa in ay shacabka kiciyeen, ayna gacan ka geysteen dilka dad kasoo horjeeday ururka Ikhwanul Muslimiinka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan