UN oo ka shirayso arrimaha Soomaaliya

  • 30 Oktoobar 2013
Al-Shabab
Image caption AMISOM iyo militeriga Soomaaliya ayaa dagaal kula jiro dagaalyahanka ururka Al-Shabaab

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanayo kulan khaas ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Goluhu waxaa uu ka doodi doonaa hindhisaha ah in la kordhiyo ciidammada AMISOM ee kus sugan Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dalbaday in ilaa 6,000 oo askeri lagu soo kordhiyo ciidammada howlgalka ka wado Soomaaliya.

Waxaa kale oo Goluhu ka hadli doonaa tayanta ciidammada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonayso in Qaramada Midoobay ay bixiso qarashak shidaalka, cuntada askarta iyo caafimaadkooda.

Dhowr maalmood ka hor ayay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay doonayso inay Al-Shabaab ka saarto koonfurta Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan