Kenya: Al Shabaab ayaan 300 ka dilnay

Al Shabab
Image caption Al Shabaab ayaa beenisay in diyaaradaha Kenya ay weerareen

Ciidammada Kenya ayaa sheegay inay weerar cirka ah ku qaadeen saldhig ay Al Shabaab ku leedahay meel u dhaw magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Afhayeen u hadlay ciidammada Kenya ayaa sheegay inay dileen ilaa 300 oo ka tirsan dagaallamayaasha Al Shabaab.

Kenyanku waxa kale oo ay sheegteen in weerarkaasi ay ku burburiyeen dhawr baabuurta dagaalka ah.

Al-Shabaab ayaa beenisay weerarkaasi ciidanka Kenya sheegteen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa BBC u sheegay inuu dhacay weerarka.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sidoo kale BBC u xaqiijiyay weerarka.

Yarisow ayaa sheegay in dowladdiisu soo dhaweyneyso tallaabo kasta oo "lagu baabi'inayo" al-Shabaab.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan