Burcadda Geeska Afrika oo heshay $400m

Image caption Filin ayay hollywood ka samaysay burcadbaddeeda Somaaliya.

Warbixin cusub ayaa sheegtay in burcadbadeeda ka howlgasha badda geeska Afrika ay heleen afar boqol oo milyan oo dollar lacag madax furasha ah tan iyo 2005tii, iyadoo lacagta lagu isticmaalo falal danbiyo caalamka.

Daraasaadka oo ay sameeyeen Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in lacagta burcadbadeeda loo isticmaalo ganacsiga hubka ee sharcidarada, maleeshiyooyin, dadka sharcidarada loo dhoofiyo iyo lacagaha sida sharci darada loo helo.

Laakiin waxay sheegtay warbixinta, in danbiilayaal ku xeel dheer bangiyada ay ka danbeeyaan burcada oo aysan ahayn burcada dadka lacagaha ka faa'iida.

Warbixinta ayaa ku talisay in caalamka uu sameeyo koox ku xeel dheer lacagaha si ay uga hortagto habka lacagaha sharci darida la isugu gudbiyo.

Daraasaddu waxay muujinaysaa sawir hawlo si isasoo taraysa oo heer sare ah uga socda meelo badan oo Soomaaliya ugu weyn tahay. Warbixintu waxay ku saleysan tahay waraysiyo lala yeeshay saraakiil dowladda, shaqaale bankiyada, ganacsato gudaha joogta iyo rag burcad-badeed ahaan jiray.

Waxay sheegtay warbixintu in afduubidda doonyaha yaryar ilaa maraakiibta waaweyn ee shidaalka qaadda ee xeebaha mashquulka ah ee bariga Afrika ay afduubayaasha siiyeen lacag u dhexaysa 339 million oo dollar iyo 413 million oo dollar intii u dhexaysay sannadihii 2005 iyo 2012kii.

Inta u dhexaysa 30% ilaa 75% lacagtaas waxaa qaata dadka maalgeliya hawlaha burcadbadeedda iyadoo burcadda ay gaarto lacag aad u yar. Lacagta inteeda badani waxay joogtaa gobolka, iyadoo in badan oo ka mid ah loogu raadgado ganacsiga khaadka.

Waxaa kaloo lacagtaas lagu iibsadaa dhul, waxaana la gelin karaa ganacsiga shidaalka, gaadiidka, maqaayadaha iyo hotel-ada.

Hase ahaatee warbixintu waxay walaac aad u weyn ka muujisay suurta galnimada in maalgeliyeyaasha burcad-badeeddu ay maalgelin ku sameeyaan maleeshooyinka dagaalka, awoodaha milateri ee dalka Soomaaliya, socodsiinta hawlaha dhoofinta dadka ee sharci darrada ah iyo falal dembiyeedyo kale.

Saddex shabakadood oo waaweyn ayaa suuqan inta badan haysta waxayna hadda u shaqeeyaan sidii wax rasmi ah oo kale iyagoo qandaraasyo qaata, isla markaana leh qareenno u dhexeeya iyaga iyo kuwa qandaraaska bixinaya si heshiisyo loola galo burcadbadeedda.

Burcad badeeddu waxay dhibaato ku haysaa gobolka iyo caalamka labadaba, gaar ahaan xagga ammaanka iyo dhaqaalaha.

Waxaa hoos u dhacday kalluumaysiga gobolka 28.5% laga soo bilaabo sanadkii 2006 taas oo saameyn ku yeelatay waddammada Afrikada bari.